Ciidamo ka Goosta Dawlada KMG ah oo Amni daro ka wada xadka Kenya
Garissa June 23,2012(SDN)-Ciidamo ka tirsanaa Dawlada KMG ah oo isaga tegay xeryihoodii ayaa fara baas ku haya amniga degaanada Kiinya ee xadka la wadaaga Soomaaliya.
Sidaana waxaa saxaafada u sheegay Philip Ndolo oo ah ku-xigeenka talyaha ciidamada Booliska ee Woqooyi Bari Kiinya.
Taliyuhu waxa uu sheegay in aaney aheyn un kooxda Al Shabaab cida khalkhalka gelineysa amniga Woqooyi Bari balse ay sidoo kale ciidamada ka goosta dawlada KMG ahi qudhoodu carqaladeeyaan degenaanshaha degaanka.
Laba todobaad ka hor ayuun bay aheyd kolkii ciidamada amniga ee Kenya ay dileen tiro rag dabley ah oo ku lebisan direyska ciidamada dawlada KMG ah.
Dableyda ciidamada Kiinya ay dileen ayaa mid ka mid ah waxa uu sitay aqoonsiga ciidamada dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
Dalka Kiinya ayaa degaanadiisa Woqooyi Bari waxa in dhawaalaba ka jiray amni daro la xidhiidha dagaalada dabada dheeraaday ee Soomaaliya.
SDN-Garisa
contact@somalidiasporanews.com