Ciidamo iyo shacab ku dagaalamay Hargeysa
Hargeysa December 20, 2023 (QJ) -Ciidamada Milateriga iyo Booliska Somaliland, ayaa faah faahin ka bixiyay shaqaaqo shalay ka dhacday agagaarka buuralayda Naaso Hablood ee magaalada Hargeysa, iska horimaad dhexmaray ciidamada Milateriga iyo dad shacab ah oo hubaysan, ka dibna iska horimaad dhexmaray ciidamada Booliska iyo Militariga.
Laamaha amaanka ayaa ka warbixiyey shaqaaqadaasi oo ay ku tilmaameen mid dhuleed. Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ayaa qabsaday goob istaraatiiji ah taasoo keentay inay isku dhacaan dad rayid ah oo hubeysan oo sheeganayay lahaanshaha dhulkaas. Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana ka dhashay iska horimaad xoogan oo ay ku nafwaayeen lix ruux oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah.
Sarkaal u hadlay Booliska ayaa sheegay in dad shacab ah oo hubeysnaa ay weerar ku qaadeen ciidamada ku sugnaa deegaanka, islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askarta qaar. Iyaga oo ka jawaabaya, ciidamada militariga ayaa qaaday weerar rogaal celis ah. Xaaladdu waxay u baahneyd in ay soo farageliyaan Ciidanka Booliska si loo soo celiyo kala dambeynta.
Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii shaqsiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen mar kale, waxaana halkaasi ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Milateriga, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamada Milatariga ayaa la sheegay in ay ka jawaabeen dilka labo ruux iyo dhaawaca lix ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Somaliland, General Siciid Bullaale, ayaa sidoo kale ka warbixiyey weerar labaad oo ay ciidamada millatarigu sheegteen in deegaanka lagu muransan yahay ay weerar ku qaadeen Booliska deegaankaas oo ay ku dileen saddex askari oo Boolis ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyayaasha ayaa ku nuux nuuxsaday in xaalada lagu dejin karo isgaarsiin iyo wada hadal dhexmara ciidamada Milatariga iyo Booliska. Waxay sidoo kale xuseen suurtagalnimada dhexdhexaadin ay ka qayb qaadanayaan madaxda bulshada iyo odayaasha.