Ciidamo Gurmad Ah Oo Loogu Tallo-galay In Ay Hawl-galo Milatari Oo Degdeg Ah Ka Fuliyaan Bariga Afrika Oo Lagu Dhawaaqay
Hargeisa 16/7/2014(SDN/QJ)- Dawladaha dalalka bariga Africa, ayaa shaaca ka qaaday in bisha December ee fooda inugu soo haysa ee sanadkan aynu ku jirno la diyaaran doono ciidamo awood leh oo ku hubaysan hub culus oo ka kooban Shan kun oo askari oo loogu tallo galay in ay si degdeg ah uga jawaabaan khilaafyada ka dhaca gudaha wadamada bariga Africa, sidaana waxa sheegay taliyaha ciidamada gurmadka degdega ah ee dalka
Taliyuhu waxa xusay in ciidamadan la diyaarin doono ka hor muddada ururka midowga Afrika uu u qabtay dalalka qaaradda in ay dhistaan ciidamo goboleedyo ka dhaxeeyo gurmadka deg degga ah, kuwaas oo ka kala imanaya dalalka
Uganda, Soomaaliya, Rwanda, Kenya, Burundi, Sudan Ethiopia, Djibouti, Seychelles iyo jasaiiradda Comoros.
Taliyuhu waxa uu tibaaxay haddii ciidamada noocan ah la diyaarin lahaa mid waxtar yeesha oo loo adeegsan lahaa ka hortaga colaadaha iyo dagaalada ka alloosan Soomaaliya iyo South Sudan.
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed Aadan Qurbe Jog
Concat@somalidisporanews.com