Ciidamo Ethiopia oo hor leh oo gaaray Baladweyne
Baladweyne 04, 2012(qurbejoog.com)-Sida ay xaqiijinayaan dadka ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, waxaa Ciidamo hor leh oo ka socda kuwa Milatariga Ethiopia gaaray halkaasi, iyagoo fariisimooyin ka sameystay duleedyada iyo Buundooyin ku yaalla Magaaladaasi.
Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay wataan agabyada dagaalka, iyadoo la tilmaamay inay yihiin kuwo si aad ah u qalabeysan islamarkaana usoo diyaar garoobay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.
Ilaa dhowr gawaari oo gaashaaman ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopian-ku ay wataan islamarkaana halkaasi ay ka sameynayaan dhaq dhaqaaq farabadan oo la xiriira dhinaca ammaanka, sida Website-ka Somalidiasporanews.com ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Goobjoogayaashu waxa ay sheegeen in Magaalada wali ay ka taagantahay saan saan colaadeed islamarkaana inta badan Baladweyne ay soo buuxdhaafiyeen Ciidamo ka socda kuwa Ethiopia iyo dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay saameyn ku yeelatay dadka ku suga halkaasi oo ka baqdin qaba in la qab qabto kadibna lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladdu ay iska dagantahay inkastoo aan la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto Magaaladaasi oo maalmo ka hor dagaal faraha looga gubtay looga saaray Ururka Al Shabaab.
Qurbejoog-Baladweyn