Ciidamo AMISOM iyo dowladda ah oo lageeyay deegaano hoostaga gobolka Sh/hoose
Marko Dec 18 2012 (SDN)— Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa faah-faahin ka bixiyay ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Dowladda oo la geeyay deegaano ka tirsan Gobalkaasi.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ciidankaasi loo geeyay deegaanadaasi ay tahay sidii looga hortagi lahaa Shabaab.
Wuxuu sheegay in deegaanada Buufoow iyo Shalaambood la geeyay ciidamo AMISOM oo aad uxoogan islamarkaana ka qeyb qaadanaya sugidda dhanka ammaanka.
Ujeedka ciidanka xoogan halkaasi loo geeyay ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in ciidamada Shabaab weerarada ay Buufoow kasoo qaadayaan laga hortago si aysan u carqaladeyn ammaanka deeganadaasi.
Deeganada iminka la geeyay ciidamada xooga badan ee AMISOM ayaa waxaa dhowr jeer wadada loogu galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Dhawaan ayeey aheyd markii afhayeenka AMISOM uu sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM deegaanka Buufoow ay fariisimo ka dhigan doonaan si loo hakiyo Shabaabka weerarka soo qaadaya.
SDN-Marko