Ciidamo Aad U Tiro Badan Oo Loo Tababaray Dawladda Somaliya Iyo Duruufaha Hor-yaala Ee Dalka Ka Taagan
Muqdisho:19,June,2014 (SDN/QJ)-. 360 askari oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka, ayaa waxaa tababar loogu soo xidhay Xerada Militariga ee Jaziira, oo ku taala duleedka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Tababarkan oo muddo 3 bilood ka soconaayay Xerada Jaziira, ayaa waxaa gacan ka geystay Saraakiil ka socoto Ururka Midowga Yurub, oo Dowladda Somaliya ka caawinaaya dib u dhiska Ciidamada.
Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi, oo ka hadlay Munaasabada tababarka loogu soo xidhay Ciidamadan, ayaa wuxuu kula dardaarmay inay yihiin Ciidankii Xooga Dalka, sidaana ay marka hore xaqiiqsadaan.
Abaan Duulaha, ayaa ka sheekeeyay daruufaha adag ee uu maanta ku sugan yahay dalka, wuxuuna ku bogaadiyay in wixii la baray ay kaga faa’iideeyaan dalka iyo dadka Somaliyeed.
General C/risaaq Khaliif Cilmi oo mid mid u gacan qaaday Ciidamada cusub ee Xooga Dalka ku soo biiray, ayaa waxa uu gudoonsiiyay Shahaadooyin.
Tani waxay Somaliya ka caawineysaa in markasta Ciidamadeeda loogu tababaro gudaha dalka, bedelkii loogu qaadi lahaa dalalka shisheeye.
Dhinaca kale dad badan oo Somaiyeed ayaa Su’aal galinaya sida ay Ciidamadani uga soo bixi karaan,marka loo eego Xaaladda Dalka Somlaiya haatan ku sugan yahay,oo Goobo badan oo Dalka ahi ay Baaqi ku Siiyiin Kala danbayn la’aanta iyo Xasiloonida darada.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com