Ciidammo ka socda Dalka Burundi ayaa Maanta ka degayMagaalada Kismaayo
Kismaayo,21,MARCH 2014(SDN)-Ku dhawaad ilaa 69 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ka wado Soomaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Ciidamadan ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Sieraleone iyo kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana intaa ka dib la dejiyay saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Ciidamada ka socda dalka Burundi iyo Sieraleone ayaa la filayaa in ay badalaan ciidamada Kenya ee imika ka howlgala degmada Kismaayo.
Askartan ka socota Burundi ee maantao gaadhay magaalada Kismaayo, ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ay howlgallo ballaadhan ka wadaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
waxaana iska soo daba dhacaya duruufo bani’aadamnimo oo dadkaa barakacay daris la noqday,iyada oo xaaladoodu u muuqato Cidina uma maqna ceel-na uma qodna.
Kismaayo,SDN.
contact@somalidiaporanews.com