Ciidamda Jubaland oo hawgal ka dhan ah Al Shabaab ka wada Buulo-Xaawo
Kismaayo November 14, 2024(QJ)-Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo ka dhan ah Al-Shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen deegaanka Buula-xaaji oo khasaare geystay. Ciidamada Daraawiishta ayaa howlgalkooda Buulo-xaaji ku ballaariyay si ay u beegsadaan rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, si ay uga jawaabaan weerarka.
Howlgalka oo socda ayaa waxaa lagu qaadayaa dagaal u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab oo weli dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanadaasi. Saraakiisha Jubbaland ayaa xaqiijiyay inay sii wadayaan dadaalada ay Shabaab kaga saarayaan deegaanka Buulo-xaaji oo dhawaan laga saaray maleeshiyadaasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in saddex askari ay ku dileen weerarka, ayna ku dhaawaceen sagaal kale, inkastoo Jubbaland aysan xaqiijin sheegashadaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda Federaalka, iyadoo Jubbaland ay xiriirka u jartay khilaafaad dhanka doorashada ah.