Ciidamadii Eretria oo Soomaaliya ku soo noqonaya
Minneapolis December 20, 2022 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay xiliga ay Soomaaliya ku soo noqonayaan ciidamo dhawr sano ka hor tababar loogeeyay dalka Eretria.
Ciidamada oo tegidooda iyo joogitaankooda Eretria doodo badan ay ka dhalatay ayaa madaxweyne Xasan waxa uu sheegtay in ay bisha iyo ta danbe Soomaaliya ku soo noqonayaan.
Madaxweynaha ayaa sidaa ka sheegtay kulan suaalo lagu weydiinayay oo ka dhacay Minneapolis.
Soo noqoshada ciidamada oo tiradooda lagu sheegtay ilaa 5 kun oo askari ayaa ku soo beegmeysa xili dawlada Xasan Sheekh ay dagaal kula jirto Al Shabaab.