“Ciidamadeena Soomaaliya joogga shaqada ay hayaan waa suggidda ammaanka dalalka Somaliya iyo Kenya” Madaxweynaha Kenya
07,May,2014(SDN/QJ)-Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Dowladda Kenya, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in qaraxyada ka dhacaaya dalka Kenya, inaanay saamayn ku yeelan doonin hawlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa qaraxyada ka dhacaaya dalka Kenya waxa uu dusha kaga tuuray Ururka Al Shabaab, oo horey ugu goodiyay in ka fal celin doonaan, tallaabada Ciidamada Kenya gudaha ugu soo galeen Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, in ay ka shaqaynayaan xasiloonida dalalka Somaliya iyo Kenya, isla-markaana aynaan ka joojin doonin qaraxyada ka dhacaaya gudaha Kenya.
“Ciidamadeena Soomaaliya joogga shaqada ay hayaan waa suggidda ammaanka dalalka Somaliya iyo Kenya. mana naga joojineyso weerarada inooga imaanaaya Al Shabaab.” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya.
Uhur Kenyatta oo u waramay Warbaahinta Kenya qaarkood, ayaa wuxuu dadka reer Kenya ee Masiixiga ah uu uga digay, in ay dhibaateeyaan Muslimiinta reer Kenya.
Kenyatta wuxuu Shabaabku ku eedeeyay in ay kala qaybinayaan Muslimiinta iyo Kirishtaanka wada degga dalka Kenya, wuxuuna dadka diimaha ku kala duwan uu ugu baaqay, in si wada jir ah loola dagaalamo Al Shabaab.
SDN-QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com