|

Ciidamadda Somaliland oo la sheegayo inay haatan Kaabiga u saaranyihiin Magaaladda Taleex

15,ASpr.2014(SDN/QJ)-Wararka haatan naga soo gaadhaya Gobolka Sool gaar ahaana,magaaladda Taleex,ayaa sheegaya in Ciidamadda Qaranka JSL,ay haatan kaabiga u saaranyihiin Magaaladaasi.

La hayo cid si rasmi ah ilaa hadda warkan u xaqiijinaysa.isku dayo aanu la samaynay dad ka dhaw ayaa ilaa hadda aanay noo-suuragalin in aanu Xog buuxda ka helo.

Lama oga halka ay haatan ku suganyihiin Hogaamiyayaashii Maamulka Khaatumo ee Magaaladda Joogay.

Dhinaca kale waxa ay wararku sheegayaan in haatan Madaxtooyada Garoowe uu haatan ka socdo shir deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiiradda ee Maamaulka Puntland oo lagaga arinsanayo Xiisaddan soo korodhay iyo wixii laga yeeli lahaa.

Waxaanu isku dayi doonaa inaanu Wakhtiyada soo socda aanu xog-buuxda aanu idiin soo gudbino.

SDN/QJ-Taleex

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed