|

Ciidamadda ammaanka oo Xabsiga dhigay Guddoomiyeyaasha Ururrada NDB iyo JAMHUURIGA

Hargeysa, 01, May 2012 (SDN)- Ciidamada ammaanka ee Hargeysa ayaa waaberigii saaka xabsiga u taxaabay masuuliyiinta Ururrada JAMHUURIGA Axmed Sandoon Xasan iyo NDB Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Ururradaas, kuwaasoo ay ka mid yihiin Axmed Cali Dable iyo Odowaa oo ka tirsan ururka JAMHUURIGA.

Masuuliyiintan ayaa xadhigoodu ka dambeeyay ka dib markii ay isku dayeen inay sameeyaan iyaga iyo taageerayaashoodu mudaharaad ay ku ballameen saaka, kaasoo ay kaga soo horjeedaan go,aankii guddiga diiwaangelinta ururradu ay soo saareen .

Magaalada Burco oo shalay ay gaadheen masuuliyiin ka tirsan Ururka UDHIS, iyadoo horena ay u sii joogeen masuuliyiinta Ururka GURMAD ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa dhaqdhaqaaqoodii saaka lagu ballansanaa baajiyay ciidamada amaanka oo la dul dhigay xarumahooda.

SDN, Hargeisa

 

Comments are closed