Ciidamadda Amaanka ee Waddanka Turky-ga oo kala Shaqanaya kuwa Kenya wax ka qabshadda Kooxa Argagixisada ah iyo Xasilinta Somalia
15,Apr.2014(SDN/QJ)-Ciidamadda Booliska ee Waddanka Turkiga,ayaa waxay kala qeyb qaadanayaan Ciidamadda Amaanka ee Dalka Kenya wax ka qabshadda qaraxyadda iyo weeraradda Argagixiso ee waayadan danbe ku soo noqnoqonayay Dalkaasi.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhaw Dawladaha Kenya iyo Turkiga,arintan ayaa ka danbaysay ka dib safar uu Madaxweynaha Kenya oo todobaadkii dhawaa ku tagay Dalka Turgiga dalabkan uu hor dhigay madaxda wadankaasi oo ugu Horeeyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweyneha.
Ilaa hadda si rasmi ah looma cadayn habka ay u wadda hawl-galayaan ciimadamadda Amaanka ee labadan Waddan Waddan.waxa kale oo iyana ilaa hadda aan cadayn Mudada soconayso wadashaqayntan dhinaca Amaanka ee Kenya iyo Turky-ka iyo sidoo kale waxa wakhtigan ku soo aadiyay.
Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan inay labadan Dawladood ay isku afgarteen in si wada-jir ah wax looga qabto nabad ku soo Dabaalidda wadanka Somalia oo ay la dageen Colaado Wajiyo badan yeeshay oo aan u muuqan qaar dhamaad leh.
SDN/QJ-Nairobi