|

Ciidamada Soomaaliya oo tababar dhanka Xuquuqda Aadanaha la siiyay

Jabuuti Nov 01,2012(SDN)-Qaar ka mida Ciidamada Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyay ee bishii October waxa ay dalka Jamhuuriyada Jabuuti ku qaateen tababro dhanka xuquuqda Aadanaha ah.

Ilaa Afartan ka mida saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa tababrka ku qaatay shuruucda caalemiga ah ee shicibku ku leeyihii ciidamada.

Tababrkan ay Saraakiishani qaateen ayaa waxa isku soo duba riday isla markaana bixinayay ciidamada midawkaga Africa ee AMISOM.

Tababrkan dhawrka casho socday waxa ka qeybgalay madaxa Ergeyga Midawga Africa u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra.

“Tababrka noocan ah ee la siinayo ciidamada Soomaaliya waa qaar jawaab u noqon doona eedaha iyo cabashooyinka soo noqnoqda ee ciidanaka”ayuu yiri Boubacar Diarra.

Sidoo kale waxa tababrka goob ku ahaa madaxa ciidamada xooga ee Jamhuuriyada Jabuuti Gen Xasan Cali Kaamil oo qudhiisa muujiyay dedaalka gobolka ee Soomaaliya.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed