Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen afhayeenkii alShabaab
Muqdisho. 6 October, 2022. (QJ)- Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen afhayeenkii kooxda alShabaab Sheekh Cali Dheere.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay ciidamadda, Cali Dheere ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo Khamiistii 29-ka September ka soo gaadhay dagaal ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle, iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayay maalmahan degmada Aadan Yabaal.
“Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yidhi warka Milatariga.
Si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada Ciidanka, iyadoo dhowr jeer oo hore la tabiyay geerida Cali Dheere walow mar danbe uu soo hadli jire, iyadoo Shabaab aysan ka hadal wararka ku gedaaman xaaladda Afhayeenkoodii Cali Dheere.
Dowaldda Soomaaliya ayaan sidoo kale si rasmi ah uga hadal geerida lagu sheegay Cali Dheere, waxeyna arrintan kusoo beegantay maalmo yar kadib markii duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda Al-Shabaab.
Haddii sida Raadiyaha ciidanka wax u sheegay ay u jiraan waxey ka dhignaan doontaa Sarkaalkii labaad oo xidhiidh ah oo Shabaab laga dilo, taasoo saameyn ku yeelan doonta howlgaladooda ka socda gobolada dalka.