Ciidamada Soomaaliya oo deegaano Hiiraan ah kala wareegay al Shabaab
Muqdisho. 6 November, 2022. (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ee Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanada Dhoqor iyo Baareey oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 27 KM, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar ku qaadeen fadhiisimo ay dhawaan ka sameysteen Al-shabaab deegaanadaasi.
Dagaalka dhexmaray labada dhinac oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaadhay labada, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.
Ciidamada alShabaab ee lagu weeraray deegaanada Baareey iyo Dhoqor ayaa deegaanadaasi ugu soo talaabay dhawaan doomo ay kaga soo gudbeen dhanka qoraxsin, maadama uu wabiga Shabeelle kala badho deegaanada Bariga iyo Galbeed ee hoostaga magaalada Baledweyne.
Ciidamada dib u xureynta ayaa la sheegay iney bur buriyeen Doomo ugu xirnaa Al-shabaab wabiga Shabeelle oo ay isticmaali jireen Al-shabaan marka ay u kala gudbayaan deegaanada ku yaala labada dhinac ee Bariga iyo Galbeedka.
Saraal ka tirsan ciidanka dib u xureynta Macawiisleeyda ayaa sheegay in dhamaan goobahii saakay ay weerareen ay ka saareen Al-shabaab, islamarkaana ay wali wadaan baadi goobka Al-shabaab oo intooda badan ka gudbay wabiga Shabeelle oo uu sheegay in marki horeba ay kasoo gudbeen.