Ciidamada Somalia Oo Tababarro Ka Helaya Midowga Yurub iyo Tirada La Tababari Doono
Brussels:Nov,29,2014(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub, ayaa shaaciyey inay qorsheeyeen in sanadka soo socda ee 2015-ka ay Tababar siiyaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somalia oo u dhigma Tiradii ay tababareen Sanadkan sii dhamaanaya.
Saraakiisha tababarka bixinaya ayaa sheegay in inkastoo amniga Muqdisho uu halis yahay haddana ay qorsheynayaan in ciidamo 1,200 oo askari ah ay Muqdisho ku tababaraan sannadka soo socda.
Tababarayaasha Midowga Yurub ee Somalia ku sugan oo tiradooda ay tahay 128 sarkaal ayaa 11 koorso oo ay ku tababareen 1,150 askari Muqdisho ku qabtay, iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay 250-askari oo kale u soo xidhaan tababar dhowr bilood u socday.
“Waxaan qorsheynaynaa inaan sannadka soo socda u tababarno Soomaaliya 1,200 oo askari oo dheeraad ah, inkastoo ammaanka Muqdisho uu xilligan yahay mid halis ah,” ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub oo warbahainta la hadlay.
Sababta Midowga Yurub u tababaarayaan Ciidamada Somalida ayaa waxay ku sheegeen inay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Ciidamada Soomaalida meeshana uga baxdo ku tiirsanaashaha awood shisheeye marka laga soo tago taageero wax qabadeed.
Ciidamada Soomaaliya ayaa hada garab ka helaya Ciidamo ka socda wadamada Midowga Africa kuwaasi oo ku howlgalaya magaca AMISOM.
SDN/QJ