|

Ciidamada RRU-da oo Xalay Reer Burco jiif Iyo Joogba u Diiday iyo Wadooddo iyo Dadkale oo Guryahoodii Lagala Baxay

Burco:21-Aug-2013-(SDn)-Ciidamada Booliska  Gaar ahaan kuwa sida gaarka ah loo Tababaray ee RRU, ayaa Xalay saqdii dhexe weerar Hubaysan ku soo qaaday Guriga uu ka degan yahay magaalada Burco Sheekh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Togdheer.

RRRUCiidankan oo watay Gaadiid aad u tiro badan  ayaa la sheegayaa inay markii ay soo gaadheen Aagga uu sheekhu degenaa farraqeen rasaas xaddi badan taas oo khal-khal iyo cabsi ku abuurtay shacabkii xaafaddaas degenaa.

 

Ciidankan ayaa si xoog ah ku galay hoyga uu sheekhu Degannaa halkaana ka kaxaystay wali ma jiro war rasmi ah oo sheegaya meesha la geeyey sheekhaas.

Muddo gaadhaysa laba saacadood oo hawlgalkani socday waxay sidoo kale ciidanka RRU u daateen Guryo kale oo ka ag dhaw aqalkani laga soo qabtay sheikh Siciid Axmed Jaar kuwaasi  oo ay kala baxeen caruur 3 oo uu dhalay wadaad dhawaan laga soo daaayay Xabsiga weyn ee Guantanama kuwaasi oo sida ay wararku sheegayaan ay waayeen wadaadkaas laf ahaantisii .

Xaafadaha ku dhawaa goobta ciidanku ka samaynayey hawlgalka ayaa si aad ah loo xidhay, waxana la joojiyey guud ahaanba isu socodkii xaafadaas.

 

 

Ilaa Haatan lama oga sababta rasmiga ah ee keentay hawlgalkani ma ahana markii ugu horaysay ee wadaadkani ay badh tilmaameed ka dhigtaan ciidanka Booliska ee Somaliland balse badhtamihii sanadkii 2009 ayaa hawlgal noocani oo kale ahi uu sababay khasaare dhaawac ka dib markii uu wadaadkani iska difaacay weerarkaasi ciidanka booliska waxaana garnaqsi dheer oo dhex maray xukuumada iyo wadaadkani uu ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad iyadoo xiligaasna guud ahaanba danbiyadii lagu haystay wadadkani lagu waayay .

 

 

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed