|

Ciidamada Raaskaabiini iyo kuwa Dawlada oo ku Dagaalamay Husungoow

Husungoow June 15,2013(SDN)-Dagaal maanta ka dhacay Degmeda Husungoow ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamada Dawlada ee degaankaasi ku sugan iyo ciidamo ka tirsan Raaskaabooni.

Ma cada sababta keentay in ciidamadu isku dhacaan waxaase jira i dhinacyada ay ka kala amar qaataan in ay mudaba isku maandhaafsanaayeen maamul u sameynta Jubooyinka.

Weli lagama war hayo khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwa Raaskaabooni.

Sidoo kale waxaan cadeyn cida haatan gacanta ku heysa degaanka Husungoow ee uu dagaalku ka dhacay.

Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin guluftan colaadeed ee ciidamadooda dhexmartay.

SDN-Husungoow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed