|

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Kaabiga U Saaran Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Taleex:June,12,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee Aagga Hol-hol  ee Gobolka Sool ayaa sameeyey Dhaqdhaqaaq ay hore ugu durkayaan Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo ay kooxda Khaatumo ku qabsanayso shir  ka dhan ah Somaliland.

kaabigSida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Holhol, waxa ay ilaa shalay ciidamadu ku jireen Diyaargarow ballaadhan oo ay ugu tabaabulshaysanayaan sidii ay Deegaanada Shirku  ka socdo u gaadhi lahaayeen, waxana ay Haatan diyaar u yihiin inay Kulaalaan xarunta Magaalada Taleex.

Ciidanka ayaa la sheegayaa inay Habeenkii Xalay ka Ambabaxeen Deegaanka Holhol, iyagoo dhaafay Tuullada Carroolay oo qiyaas dhan 30KM  ujirta Magaalada Taleex oo ah Meesha laga yaabo inay Ciidanku Gaadhaan.

Masuuliyiinta Somaliland ku  jirta eek a soo jeedda Deegaanada  Sool ayaa xukuumadda u soo jeediyey in  laga hortago Kooxaha Somaliland-diidka ah ee shirka ku qabsanaya Gudaha dalka, waxana la filayaa inay  ciidamadu ka jawaabayaan awaamiirta madaxdaas ka timi.

Wararka laga Helayo  Ciidamada Qaranka ayaa kooban, waxase la filayaa inay Saacadaha soo socda Ciidanku gaadhaan Degmada Taleex oo ah meesha ay beegsanayaan.

Kooxaha Khaatumo oo meelo badan iskaga Habar-wacday ayaa ku sugan Magaalada Taleex, waxana ay ku Hawllan yihiin inay mar kale boodhka ka jafaan khaatumadii ay sameeyeen Saddex sano ka hor oo noqon wayday sidii  la doonayey.

SDNQJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed