Ciidamada PMPF oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland
Garoowe December 17, 2023 (QJ) -Ciidamada ammaanka Puntland oo ay weheliyaa ciidamada Puntland ee PMPF ayaa lagu soo waramayaa in ay isku gadaameen oo xalay la wareegeen xarunta baarlamaanka ee Garoowe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan PMPF ay xireen goobta, waxayna si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta xarunta Golaha Shacabka, kadib howlgal ay qaadeen saqdii dhexe xalay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu amar ku bixiyay in ciidamada ammaanka ay la wareegaan ammaanka Baarlamaanka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xil wareejinta ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in Baarlamaanka lagu caadaadiyo la shaqeynta guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland. Talaabadan ayaa timid kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka, kaasi oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, taasoo keentay xiisad siyaasadeed.
Docda kale, Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dawlada Puntland ayaa ku gacan seyray Guddigii uu dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada. Mucaaradku waxa ay isugu yimaden shir ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay in xalinta khilaafaadka loo maro qaab sharci ah,iyaga oo ku baaqay in la qabto doorasho hufan oo xalaal ah.
Waxaa muuqata in xiisado siyaasadeed iyo ismaandhaaf siyaasadeed ay ka taagan yihiin hanaanka doorashooyinka Puntland, iyadoo dhinacyo kala duwan ay ka hadlayaan aragtidooda iyo walaaca ay ka qabaan hanaanka doorashada iyo dowladnimada.