|

Ciidamada Nabad Sugida gobolka Banaadir oo maanta soo bandhigay Rag Shabaab ka tirsan

Muqdisho March 04 2013 (SDN)– Taliska Hay’adda Nabadsugida ayaa maanta soo bandhigay rag Shabaab lagu eedeeyay kuwaasi oo ay howlgal ay sameeyeen kadib ay kusoo qabteen ciidanka.

Howlgalka ciidanka ay sameeyeen ayaa waxaa la sheegay inay kusoo qabteen rag gaaraya 500 kuwaasi oo laga soo qabtay Degmada Yaaqshiid sidoo kalena intii ay wadeen howlgalka ciidanka waxa ay soo qabteen hub.
Taliyaha hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa usheegayWarbaahinta  in howlgalka xalay ilaa iyo saaka ay sameeyeen ciidanka ayna soo qabteen rag Shabaab ah.
Ereg wuxuu sheegay in ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen rag gaaraya 500 kuwaasi oo uu sheegay inay kasoo dhexbixiyeen rag 13 oo Shabaab ah intii kalena ay siidaayeen.
Waxyaabaha qarxa ayuu sheegay in sidoo kale ay ciidanka soo qabteen iyo laabtoop ay ku jiraan macluumaad badan oo intii ciidanka ay wadeen howlgalka ay kusoo qabteen.
Ciidamada Nabadsugida ayaa howlgalo kala duwan ka sameeya Magaalada Muqdisho oo ay kusoo qab qabtaan rag ay ku eedeeyaan Ururka Al-Shabaab.
SDN-Muqdisho 

Comments are closed