Ciidamada Midawga Yurun oo qabqabtay burcad-badeed
Bossaso May 11, 2024 (QJ) -Ciidamada Midowga Yurub ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo Soomaali ah oo isku dayay inay afduubtaan markab shidaal qaada.
Weerarkii lagu qaaday Jasiiradda Marshal ee Chrystal Arctic, ayaa ka dhacay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey.
Markii ay iska caabin kala kulmeen ciidamada ammaanka ee markabka saarnaa, kooxda burcad-badeedda ayaa go’aansatay in ay dib u gurato.
Intaa ka dib, ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa gacanta ku markabka burcadbadeedda oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarkii ay ku qaadeen markabka.
Weerarada Burcadbadeeda Soomaalida ayaa bilihii lasoo dhaafay dib usoo cusboonaaday, iyagoo beegsanaya maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood madaxfurasho looga qaatay malaayiin dollar. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah isku dayga afduubka ayaa la fashiliyay.