|

Ciidamada Masar Oo Jeelasha Kasii Daayey 30-Soomaali ah Oo Hore Loo Xidhay Xilli ay Tahriib Dhuumasho ah Ku Jireen

Cairo:May,27,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan soddon qof oo somali ah , ayaa laga sii daayey Jeelasha waddanka masar, kuwaas oo doonayey inay tahriib kaga baxaan waddankaas.

qaarDadka la sii daayey ayaa isugu jira Gabdho iyo Wiilal, waxana sii dayntooda ka qaybqaatay Hay’adaha Qaxootiga ee UNHCR iyo safaaradda soomaalida ee Dalkaasi ku taalla.

Dadkan haatan lasii daayey ayaa hore loo xidhay, kadib markii la  qabtay iyagoo isku dayaya inay  hannaan qarsoodi ah kaga baxaan Xeebaha Dalka Masar.

Boqol Soomaali ah oo kale ayaa wali ku jira Jeelasha waddanka Masar, waxana Socdaalka tahriibka ee ay Somalidu dalkaas kaga baxayaan dhibaato ku hayaa  Dalka masar oo isagu dagaal kula jira Dadka Tahriibayaasha ah.

Dhawaan ayey ahayd markii somali sidan oo kale iskugu dayeysay inay Dalkaasi tahriib kaga baxaan, iyadoo halkaasna ay ku dhinteen xubno dhallinyaro soomaaliyeed oo uu kamid ahaa Wariye Caan ahaa oo Dalka Masar kasoo warrami jirey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed