Ciidamada Mareykanka oo Hawlgal ku soo qabtay Hogaamiyihii Al Qacida
TripoliĀ Oct 06,2013(SDN)-Ciidamada dalka Mareykanka ee SEALS-ka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen caasimada dalka Libiya waxa ay ku soo qabteen hogaamiyihii kooxda Al Qacida ee dalkaasi.
Hawlgalka lagu soo qabtay Abu Anas al Libi oo dhacay dharaar cad ayaa la sheegay in ciidamadu u fuliyeen si fudud.
Abu Libi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururka Al Qacida ayaa haatan mudo dhawr sanadood ah ku noolaa dalka Libiya.
Hogaamiyahan ayaa Mareykanku ku eedeeyeen in uu hogaamiyay hawlgalkii lagu burburiyay safaaradihii Mareykanka ee Geeska Africa.
Weerarkan ayaa ay dawlada dalka Libiya sheegtay inay la socotay isla markaana ay soo dhaweyneyso.
Si kastaba ha ahaatee hawlgalnkan iyo mid isna lagu qaaday magaalada Baraawe ayaa waxa la fuliyay isku mar.
Waxaaney weeraradani ku soo beegmayaan xili dawlada Mareykanku ay shaqaaleheeda intii badneyd aqaladooda u dirtay.
SDN-Tripoli
contact@somalidiasporanews.com