|

Ciidamada Mali iyo Faransiiska oo la wareegay Magaalo Istaraatiiji ah oo kutaalla Waqooyiga Mali

Gao Jan 27 2013 (SDN)– Ciidamada dowladda Faransiiska iyo kuwa Maali ayaa la wareegay Magaalada Gao ee waqooyiga Maali halkaasi ay ku xooganaayeen kooxaha Islaamiyiinta ah ee Xiriirka la leh Al Qaacidda.

Wasaaradda Difaaca dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay in Ciidamada Iskaashanaya ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Gao waxaana ay intaasi ku dareen in ay gacan ka heleen Ciidamada wadamada dariska la ah dalka Mali.

Magaalad Gao ayaa ah maagaaalada ugu weyne ee Waqooyiga oo intabadan ay gacanta ku hayeen Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Al Qaacidda Xiriirka la leh.

Tani waxa ay muujineysaa sida howlgalka Faransiisku uu u guuleysanayo waxaana la doonayaa in ciidamada Mali lagu wareejiyo Amaanka dalkaasi.

SDN-Gao 

Comments are closed