Ciidamada Kiinya oo Xoriyadii u soo celiyay Abaanduulihii Ciidamada Soomaaliya ee Jubooyinka
Kismaayo July 01,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kiinya ee qeybta ka ah hawlgalada Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay si daayeen abaanduulihii ciidamada Soomaaliya ee Jubooyinka.
Col Cabaas Ibrahim Gurey ayaa ku jiray gacanta ciidamada Kiinya haatan dhawr maalmood ka dib kolkii uu gaaray magaalada Kismaayo.
Kisaamyo oo maalmahaasi Colaad foolaneysay ayaa ciidamada Kiinya oo la safan Raascaanbooniyiinta xariga dhigay Col Cabaas.
Shalayna dawlada Soomaaliya ayaa dhaleeceysay xariga Col Cabaas iyo doorka ciidamada Kiinya ku lahaayeen dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray Col Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe ciidamo kala taageersan.
Xariga abaanduulaha Juboobinka ayaa si weyn uga careysiiyay dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com