Ciidamada Kiinya oo ka digay weeraro Shabaabku dalkaas ku qaadaan iyo Caqabadaha ku xeeran Doorashooyinka dalkaas
Nairobi Mar 04,2013(SDN_Ciidamada dalka Kiinya ayaa soo saaray digniin ay uga hadlayaan weeraro ay dhici karto in ay dalkaas la beegsadaan kooxda Al Shabaab ee dalka Soomaaliya.
Wadaada Madhabta Masiixiga ee dalka Kiinya ayaa in dhawaalaba khudbadohoda diiniga ah ee Axad walba ku soo qaadayay in nabada la xoojiyo.
Doorashooyinkan ayaa imanaya iyada kuwii u danbeeyay ee dalkaasi ka dhaca ay boqolaal ruux ku geeriyoodeen.
Ciidamada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in heegan la geliyay ciidamada Kiinya ee ku sugan degaanada xadka dhaca xadka Soomaaliya ka dib kolkii la helay xog tibaaxeysa in Shabaabku qorsheynayaan weeraro lagu khal khal gelinayo doorashooyinka.
Qaabiilada labada ruux ee ugu cad cad musharaxnimada xilka Madaxweynenimo ee kala ah Uhuru Kenyata iyo Raila Odinga ayaa xurguf colaaleed oo soo jireen ahi ay ka dhexeysaa.
Taas iyo doorashooyinka guddoomiyeyaasha 47 gobol ayaa xaalada laga yaabaa in ay sii adkeyso.
Waxa sidoo kale xilka Madaxweyninimada u sharaxan sideed musharax oo keeni karta in labada musharax ee Odinga iyo Kenyata ay dib isku wejahaan bisha April taas oo xaalada sii xcakiri kareysa.
Musharaxa Madaxweynaha ee Uhura Kenyata iyo ku-xigeenkiisa William Ruto ayaa labadaba lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen rabshadihii Doorashooyinkii dadka badani ku dhinteen ee 2007-2008dii.
Hadii Kenyatta uu ku guuleysto doorashooyinka waxa suurto gal ah in dalal badan oo reer galbeed ahi ay hoos u dhigaan wada shaqeynta kala dhexeysa Kiinya,iyo in Kenyatta uu mudada uu xilka hayo uu ku qaato Maxkamada Hague.
Si kastaba ha ahaatee Doorashooyinka berito ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa ee dalkaa Kiinya soo mara mudadii 50 sanao aheyd ee uu xorta yahay.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com