|

Ciidamada Kiinya oo Al Shabaab ku weeraray duleedka Garissa

Garissa August 16, 2024(QJ) -Howlgal qorsheysan oo ciidamada Kenya ay fuliyeen ayaa lagu beegsaday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka DigDiga oo ka tirsan deegaanka Faafi, una dhow magaalada Gaarisa.

Howlgalka ayaa ahaa mid ku saleysan xogo laga helay dadka deegaanka oo maamulka ku wargaliyay weerar qorsheysan oo kooxdan ay ku bartilmaameedsanayeen saraakiisha amniga gobolka.

Ciidamada Milatariga ayaa ku guuleestay in ay weerar dhaba gal ah ku qaadaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaadayay. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dhaawac kale.

Ciidamada Kenya ayaa gacanta ku dhigay hub badan oo ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, rasaas, bambooyinka gacanta iyo qalab kale.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku ammaanay bulshada deegaanka wada shaqeynta ay la leeyihiin, waxaana ay ku dhiirigeliyeen inay sii wadaan soo gudbinta falalka tuhunka ah ee Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka magaalada Gaarisa iyo deegaannada hoos yimaada.

Comments are closed