|

Ciidamada Kenya oo Xaafada Soomaalida ku qabtay laba nin oo sita walxaha Qarxa

Niarobi April 04,2014(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya  ayaa hawlgalo ay ka fuliyeen xaafada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa ay ku soo qabteen rag ku hubeysan walxaha qarxa.

Ciidamada Kenya ayaa hawlgalka qaaday ka dib kolkii ay todobaadkan qaraxyo ka fuliyeen dalkaasi kooxo argegixiso ah oo aan weli sheegin cida ay yihiin.

Raga lagu qabtay walxaha qarxa ee gacanta laga tuuro ayaa ka mid ahaa dad tiradooda ay ku dhawdahay 700 oo ruux oo ciidamadu qabqabteen.

Dawlada Kenya ayaa dhawaan fartay qaxootiga ku nool dalkeeda in ay isaga baxaan magaalooyinka oo ay ku noqdaan xeryaha qaxootiga ee dalkaasi ku yaal.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay hawgalada wadi doonto inta gacanta lagu soo dhigayo cidii ka danbeeysay qaraxyadii dadka ku dhinteen ee dalkaasi ka dhacay.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed