Ciidamada Kenya oo laba cisho ka dib xabsiga ka sii daayay ciyaaryahan Soomaaliyeed oo u ciyaara Koox Kenyan ah
Nairobi April 12,2014(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ayaa hawlgaladii ay ku qabqabanayeen Soomaalida Nairobi ku nool ayaa ku qatay ciyaaryahan caalemi ah oo Soomaaliyeed.
Ciyaaryahan Sadiiq Cabdiqaadir oo ka mida xulka Qaranka Soomaaliyeed ee da’adoodu ka hooseyso 21 ka sanadood ayay ciidamada Kenya Xabsiga dhigeen mudo laba maalmood.
Ciyaaryahan Sadiiq Cabdiqaadir ayaa u ciyaara kooxda heerka kowaad ee AFC Leopards ee dalka Kenya,
“Waan ku faraxsanahay in la I soo daayo,waxaan dib u bilaabayaa diyaar garoowgeygii iyo tababrkeygii”ayuu yiri ciyaaryahan Sadiiq Cabdiqaadir.
Ciyaaryahan Sadiiq Cabdiqaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay geeyeen dhawr xabsi ka dibna ay geeyeen garoonka kubedda cagta ee Kasarani.
Sadiiq ayaa waxa xabsiga ka soo daayay maamuleyaasha iyo taageereyaasha kooxda AFC Leopards.
Ciidamada Kenya ayaa dhawaan xabsiyada dhigay in ka badan 4000 oo ruux oo Soomaali ah oo ay ka qabqabteen magaalada Nairobi.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com