Ciidamada Kenya oo boobay suuqii Westgate Mall ee Shabaabku weerareen
Nairobi Oct 01,2013(SDN)-Dawlada dalka Kenya ayaa u ogolaatay markii u horeysay milkiilasha meheradihii Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo Shabaabku weerar ay u geysteen 21kii bishii hore ka dib xirnaa.
Milkiilasha ayaa haraagii hantidooda loo ogolaaday in ay ka daad gureystaan dukaamadoodii oo qaar badan oo ka mid ahi burbur weyni soo gaareen.
Waxaase soo baxay fadeexad weyn oo muujineysa in ciidamada amaanka ee Kenya ay boob baaxad leh u geysteen Meheradihii ku yiilay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.
Ganacsatada oo saxaafada si hoose ula hadashay saxaafada ayaa sheegay in dukaamadoodii laga gurtay intii badneyn badeecadihii yiilay.
Waxa ka mid waxyaabaha ay ciidamadu gurteen Lacagihii yiilay maqalada,cellphono iyo qalab electronic oo iib ahaan u yiilay meheradaha.
Ciidamad ayaa ahaa cida qura ee loo ogolaa in ay gasho xarunta ganacsiga mudo todobaad ka badan.
Dadkii ka yaacayay rasaastii la isku ridayay ayaa saxaafada u sheegay in ay arkayeen ciidamada oo baaranaya meydadkii meydka iyo dhaawacaba lahaa.
Ciidamada Kenya oo aan qaadan mushaharo ku filan ayaa hore loogu eedeeyay in ay dhac u geystaan kolba halka ay u gurmadaan.
Ciidamada ayaa mar ay u gurmadeen dab ka kacay gegida duyuuradaha Nairobi waxa ay halkaa ka geysteen boob.
Milkiileyaasha hantidii la dhacay ayaa saxaafada u sheegay in aaney cabashadooda soo bandhigi kareyn sababo amnigooda la xiriira.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com