Ciidamada Ivory Coast Oo Xiray Nin lagu Tuhmay in uu ka qeybqaaday Xasuuq ka dhacya dalkaasi
Duekoue May 19 2013 (SDN)— Ciidamada Milatariga dowladda Ivory Coast ayaa xiray hogaamiye Maleeshiyo, kaasi oo lagu tuhunsanyahay in uu dowr ka qaatay xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay dalkaasi sanadkii 2011kii.
Ninkan laxiray ayaa lagu Magacaabaa Amade Oueremi waxaana la sheegay in uu Amar ku bixiyay in maleeshiyaadiisa ay dilaan dad badan intii lagu gudaha jiray Rabshadii ka dhashay doorashadii ka dhacay dalkaasi sanadkii 2011kii.
Hay’addaha Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in Amade Oueremi uu dagaalyahanadiisa ku amaray in ay qoorta ka jaraan boqolaal taageerayaal u ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Laurent Gbagbo.
Dowladda Ivory Coast ayaa cadaadis kala kulmeysay kooxaha xuquuqul Insaanka kuwaasi oo ku cadaadinayay in ay talaabo ka qaado hogaamiyahan hada la xiray.