|

Ciidamada Itoobiya oo ka baxaya Soomaaliya

Muqdisho June 01, 2024 (QJ)-Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa dalka ka baxaya dhamaadka bisha December ee sanadka 2024-ka, sida uu sheegay taliyaha nabad sugidda qaranka Xuseen Sheekh Cali.

Sida uu sheegay Taliyaha Nabadsugida Qaranka, ciidamada Itoobiya kama mid noqon doonaan “ciidamada AU-da” ee ka howlgali doona Soomaaliya, marka ay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) la soo gebagebeyso bisha December ee isla sanadkaas.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Macali ayaa sheegay in ciidamada qeybta ka noqonaya howlgalka cusub ay ka kala imaan doonaan afar wadan oo kala ah Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS-ka. Sidoo kale, waxaa jira qayb ka mid ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada koonfureed ee dalka oo aan qayb ka ahayn howlgalka ATMIS-ka.

ATMIS ayaa loo qorsheeyay in ay ka baxdo Soomaaliya dhamaadka December 2024, sida lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2710 (2023).

Si kastaba ha ahaatee, ATMIS waxa ay tilmaantay in la qorsheynayo in la dhiso ciidan ka dambeeya ATMIS oo gacan ka geysta ilaalinta goobaha istiraatiijiga ah ee rayidka, xarumaha Qaramada Midoobay, iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda.

Hadalkan ayaa daba socda ka dib markii Xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya uu gaaray heerkii ugu hooseeyay kadib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay maamulka Somaliland 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan. Heshiisku wuxuu Itoobiya u oggolaaday inay hesho deked, taas oo beddelkeeda aqoonsi buuxa ku siineyso Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay heshiiskaas, taasoo keentay in la ceyriyo safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, iyadoo bishii April la amray xiriga xafiisyada qunsuliyadda Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

Comments are closed