|

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgalo balaaran kawada xaafada ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Muqdisho Jan 15 2013 (SDN)- Howlgallo balaaran ayaa saakay waxa ay ka soconayaan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Howlgalada oo hada soconaya ayaa waxa xoogooda ay ka soconayaa degmooyin ay kamid tahay Wadajir waxaana lagu soo waramayaa in dhalinyaro badan lagu qab qabtay howlgalkaani.

Waxaa howlgalka si wada jir ah u fulinaya Ciidmada booliska, Nabadsugida iyo kuwa Milatiraga waxana ay xoogoodu ka soconaaan hada xaafado katirsan degmada Wadajir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakada SDN in ciidamadu ay keensanayaan gaadiid waa weyn oo ay ku gurayaan dadka ay qabtaan ee ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsanyihiin ama ka tirsnaaan jireen Xarkada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada macada tirade rasmiga ah ee lagu soo qab qabtay howlgalka maadaama uu wali soconayo laakiin waxaa lagu waramayaa in ciidamadu howlgalkooda xitaa ku soo qab qabteen balo wadooyinka ku sugnaa.

Shalay ayay aheyd markii howlgal lagu soo qab qabtay in ka badan 400 ruux ay ciidamada  dowladdu ka sameeyeen deyomooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa.

SDN-Muqdisho

Comments are closed