|

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo howlgalo ka wada degmada Ceel-waaq

Ceel-waaq Dec 11 2012 (SDN)— Baaritaano ayaa ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa  Kenya waxa ay ka sameeyeen degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo howlgalkaan ayaa waxa uu ka socdaa dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmado iyadoona la arkayo ciidamo aad tiro badan uu guri guri u galaya guryaha.

Waxaa la sheegayaa in baaritaankaan uu yimid ka dib markii ciidamada ilaalada xuduuda Kenya ay qabteen nin da’adiida lagu qiyaaso 53 jir oo xuduudka ka gudbinaya  hub sharci darro ah isagoona ku gudbinayay gaari dameer.

Ciidamada ilaalada xuduuda ayaa waxay soo bandhigeen lix qori oo AK47 iyo bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro oo waday ninkaan la qabtay isla markaana loo tixaabay xabsiga.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xuquuda ee  Kenya ayaa sheegay in hubkaan loo waday magaalooyinka Nairobi iyo gaarisa si halkaasi loogu fuliyo falal amniga qalqal ku ah.

Ciidamadan baaritaanada ka samaynayay degmada Ceelwaaq  ayaa waxay  muujinayeen foojignaan iyo taxadar dheere ah iyagoona sheegay in baaritaankaan lagu xaqiijinayo  xaalada amaanka oo waayadaan danbe ay halkaasi ka dhacayeen falal amaanka lido ku ah.

SDN-Ceel-waaq

Comments are closed