Ciidamada dowladda iyo Ethiopia oo la wareegay degamada Ufurow ee gobolka Bay
Ufurow Dec 14 2012 (SDN)— Ciidamada dowalada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo is garabsanaya ayaa lagu soo waramayaa in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heyta degmada Ufurow ee gobolka Bay.
Saraakiisha dowladda ee gobolka Bay ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen degamada Ufurow iyadoo oo aan wax dagaal ah dhicin.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay la wareegen Magaaladaasi islamarkaana gaadiidka labada dhinac ee iskaashanaya Magaalada lagu dhax arkayo.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan la wareegitaanka degmada Ufurow ee gobolka Bay, laakiin qabashada degmadan ayaa Xarakada Al Shabaab ku noqoneysa dharbaaxo weyn oo meel lama filaan ah ka dhaceysa.
Ciidamada dowladda iyo kuwa caawinayay ee gobolka ka socda ayaa waxa ay Al Shabaab kala wareegeen Magaalooyin muhiim ah iyadoo Al Shabaab ay ku hanjabayaan in dib ay u qabsan doonaan.
SDN-Ufurow