Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo Beledweyn Howlgalo ka sameeyay
Baladweyn Dec 28 2012 (SDN)— Sida uu ku soo waramayaan wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ay ciidamada dowlada howlgalo ka sameeyeen magaaladaasi.
Howlgalada oo ahaa kuwo lagu adkenayo amaanka magaalada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya ciidamada AMISOM ee jooga halkaasi.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wadayaan howlgalada Amni sugida ah inta ay ciidamada ka xaqiijinayaan Amaanka magaalada.
Waxaa maalmihii ugu dambeyay ka soconayay gobolka Hiiraan kulamo ay wada qaadanayaan saraakiisha ciidamada sida AMISOM iyo kuwa dowlada iyo maamulka gobolka hiiraan.
SDN- Baladweyn