|

Ciidamada dawlada oo Shabaab badan ku laayay Puntland

Muqdisho May 27, 2024 (QJ)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah lagu beegsaday xero ay Al-Shabaab ku lahaayeen buuraha Calmadow ee Puntland.

Howlgalka oo aan la ogeyn xilliga uu dhacay ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex horjooge, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka hadasho howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish oo ka socda Puntland, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Puntland oo muddo dheer kula dagaalamaysay Al-Shabaab iyo Daacish deegaanada buuraleyda ah ee Calmadow iyo Calmiskaat ayaan wali si rasmi ah uga hadlin howlgalkan.

Comments are closed