Ciidamada dawlada oo la wareegay degaanka Ceel-boon
Baydhabo October 23, 2023 (QJ)-Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in deegaanno muhiim ah lagala wareegay dagaalyahannada Al-shabaab kaddib dagaallo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guutada 260-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu soo waramayaa in ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Boon oo qiyaastii 48-KM dhanka galbeed kaga beegan degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Howlgalka ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Ceel-Boon ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray dhanka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sareeye Guuto Macalin Aadan oo ah Taliyaha Ururka 260-aad ee qeybta 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ay ku guuleysteen in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka. Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada dowladda Soomaaliya xilligan.