|

Ciidamada Dawlada oo dilay hogaamiyihii Shabaab ee Suuqa Xoolaha

Muqdisho Nov 26,2012(SDN)-Hawlgal ay wada jir u qaadeen ciidamada xooga, kuwa sirdoonka iyo Booliska ayaa waxa ay ku dileen hogaamiyihii kooxda Al Shabaab ee degaanada Gubta,Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa.

Sida lagu sheegay war ay shaaciyeen ciidamada Africa oo lagu amaanay hawlgalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay wadaan dedaalo lagu nabadeynayo caasimada.

Hawlgalka oo saacado socday ayaa waxa iska caabin xoogan sameeyay kooxda Al Shabaab iyo hogaamiyahooda oo shacabku sheegeen in ay dhibaatooyin baaxad leh aagaas ku hayeen.

Ciidamada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii dil toogasho ah ku dilay madaxii Shabaabka ee degaanada hoos taga Gubta.

Ciidamada ayaa sidoo kale hawlgalka ku soo qabqabtay ilaa 16 dagaal yahan oo shababaka ka tirsan.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay hub faro badan oo kooxdani ay ku hawlgeleysay.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed