Ciidamada Dawlada oo degaano ka saaray Al Shabaab
Baydhabo May 12, 2024 (QJ) -Howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay maanta ka sameeyeen gobollada Baay iyo Bakool, ayaa lagu beegsaday dhul buuraley ah iyo dhulka miyiga ah.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliye ku xigeenka Ururka 8-aad ee qeybta 47-aad, Xidigle Uune Guudle C/raxmaan, isagoo sheegay in ay isku baabiyeen goobo la rumeysan yahay in ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale, war-saxaafadeed ka soo baxay dawlada ayaa lagu sheegay in la burburiyay xarumo dhowr ah oo ay AS ku lahaayeen deegaankaas, iyadoo ay socdaan diyaar-garow xooggan oo lagu doonayo in lagu begsado kooxaha weli ku harsan aagaas.
Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hadda waxaa sii xoogeysanaya dagaallada ay kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo lagu dadaalayo sidii hoos loogu dhigi lahaa saameynta ay kooxdaasi ku leedahay guud ahaan gobolka.