|

Ciidamada dawlada oo Burujeed dib ugu noqday

Burujeed October 16, 2023 (QJ) -Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran ka sameeyay deegaanka Burujeed oo ku dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaddib weerarro argagaxiso oo shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen.

Ciidamadan oo ku qalabaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa gudaha u galay agagaarka deegaanka Burujeed, iyagoo sugaya ammaanka deegaanada ku dhow dhow magaalada. Waxa ay jareen xadhkaha sahayda kooxdan ee isku xidha degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu jawaab u yahay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Burujeed. Ujeeddadooda koowaad waa inay aagagga ka nadiifiyaan khataraha ka iman kara kooxda argagixisada ah.

Waxaa lagu soo warramayaa in howlgalladan ay socon doonaan muddo dhowr maalmood ah, iyadoo la gaarsiin doono gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee bariga Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Barkaan, iyo kuwo kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Buurujeed ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Milatariga ay weli dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan, iyadoo la doonayo in Al-Shabaab laga saaro deegaano badan oo ku dhow dhow.

Comments are closed