|

Ciidamada dawlada oo 27 xaraumood kala wareegay ATMIS

Muqdisho October 06, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah faahin dheeraad ah ka siiyay warbaahinta wajigii u dambeeyay ee howlgalka ATMIS.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 27-xarumood oo ku yaalla dalka oo ay ku sugnaayeen howlgalka nabad ilaalinta ATMIS, dhawaana la filayo in ay la wareegaan fariisimaha haray.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka cusub ee AUSOM oo lagu wado in uu bilowdo wixii ka dambeeya sanadkan. Waxaa uu xusay in ay socdaan diyaar garow farsamo oo ku aadan howlgalkii ugu dambeeyay, kaasi oo la filayo in uu bilowdo dhamaadka bisha December ee sanadka 2024-ka.

“Waxaan ku jirnaa wadahadallo ku saabsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo hay’adaha kale ee taageera. Muran ayaa ka dhashay gaar ahaan dowladda Itoobiya oo aan weli ka bixin heshiiskii sharci darada ahaa ee ku saabsanaa soohdinta badda Soomaaliya. Haddii aysan Itoobiya ka laaban mowqifkaas, kama qeybgali doono howlgalka cusub, dalal kalena booskooda ayaa buuxin doona,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyay in ay la shaqeeyaan qorshaha cusub wixii ka dambeeya Diseembar 2024, marka la soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS-ka. Dhanka kale waxa ay wadaan howlgalo lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply