Ciidamada dawlada iyo kuwa huwanta oo weerara Shabaab ku sugnaa Galdaguud
Muqdisho March 01, 2024 (QJ) -Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dalalka saaxiibada la ah ayaa howlgal milateri ka sameeyay deegaanka Cali Yabaal oo ku dhow degmada Ceeldheer iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ajaanib ah ayaa howlgalladaasi waxa ay ku bartilmaameedsadeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu soo xoojinayey deegaanadaasi. Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen howlgalkaasi qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa xusay in howlgalladaasi ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, iyadoo la soo afjaray xubno sare oo kooxda ka tirsanaa.
Ciidamada dowladda oo ay wehliyaan ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay wadeen howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo wararku ay sheegayaan in guulo laga gaaray duqeymo ka dhan ah maleeshiyada.