Ciidamada Booliska Kenya Oo Sheegay inay Ku Daba Jiraan Cidda Daadisay Waraaqo Dadka Lagu Kicinayo Oo Lagu Daadiyey Rifty Valley
Nairobi:June,21,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Booliska Dalka Kenya, ayaa Dabagal ku haya Cidda ka dambaysay waraaqo la sheegay inay ku qoran yihiin Hadallo kicin ah Deegaanka Rifty Valley.
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in cid waliba oo lagu helo in ay ku lug lahayd daadinta warqadahaasi ay ku qoran yihiin erayada nacaybka in sharciga la marsiin doono .
Goobaha warqadahani lagu da”diyay ayaa waxa ka mid ah magaalaad Nakuru oo lagu soo ururiyey warqadaha xambaarsan nacaybka .
Wasaarada arimaha gudaha ee dalka ayaa waxa ay shaacisay in ay ciidamo dheeraad ah u daad guraysay meelo ay ka mid yihiin gobolka Rifty Vally,Bungoma iyo qaab ka mid ah xaafadaha isku raranka ee Nairobi .
Arintani ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xili dhawaan wasiirka arimaha gudaha Josof ole Lenku uu shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah siyaasiyiin ay wadaan abaabul qabiil taasi oo oo si sahlan u horseedi karta rabshado qarxa .
Hore ayaa waxa ay isbahaysiga CORD ay u shaaciyeen in ay baajiyeen qaar ka mid ah isu soo baxyadii lagu waday in ay ka dhacan qayba ka mid ah dalka.
Waraaqahan ayaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Kooxaha mucaaridka ahi, waxana jira Khilaaf u dhexeeya axsaabta Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Dalkaas Hoggaamisa oo dhawaan si dadban ugu eedaysay Weerrarii xeebta Dalka laga Geystay.
SDN/QJ