Ciidamada booliska Kenya oo gacanta ku dhigay dad lala xiriirinayo Xarakada Al Shabaab
Muqdisho Dec 12 2012 (SDN)— Wararka naga soo gaarayo dalka Kenya ayaa ku waramaya in ciidamada Booliiska dalkaasi ay gacanta ku dhigeen ilaa iyo lix ruux oo ay kaga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab islamarkaana ay doonayeen in weeraro ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.
Dadkaan ayaa laga qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa xuduuda Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ay doonayeen inay gudaha ugu galaan Kenya si ay qaraxyo ugu fuliyaan sida ay Booliiska ay sheegeen.
Lixda qof oo labo ay dumar yihiin ayaa la qabtay iyagoo ku safraya gaari Toyota Land Cruiser ah kadib markii Boolis ka tirsan Saldhiga Lagdera ay ku amreen inay istaagaan si markaasi baaritaano loogu sameeyo.
Waxaana markii la joojiyay oo baaritaano lagu sameeyay gaariga ay saarnaayeen dadkani gacanta lagu dhigay gudaha gaariga waxaa laga dhex helay saddex garneylada gacanta laga tuuro, labo bastooladood iyo 84 xabadood oo rasaas ah, sida lagu qoray wargeyska Standard.
Sarkaalka ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo lagu magacaabo Philip Tuimur ayaa waxa uu saxaafada u sheegay shaqsiyaadkaan lixda ruux ah ay qabteen ay kaga shakisan yihiin kooxo argagixiso ah sida uu sheegay,waxa uuna hadalkiisa uu intaasi uu raaciyay afar ka tirsan shaqsiyaadkan ay gacanta ku dhigeen ay baxsadeen kadib markii ay ka boodeen gaariga oo socda xilligii la joojinayay.Philip wuxuu intaas raaciyay in dadkaasi loo qaaday xeryaha qaxootiga Dhadhaab halkaas oo su’aalo lagu weydin doono.
Ugu danbeyntii Saraakiisha Boliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen xog ku warameysa in dadkani gacanta lagu dhigay ay doonayeen inay weerar qaraxyo ah ka fuliyaan magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi bari Kenya.iyagoona sheegay in arintaasi ay ka hortageen.
SDN