Ciidamada Badda Talyaaniga Oo Badbaadiyey Boqolaal Tahriibayaal Cusub Oo Halis ugu jirey inay Dhintaan
Lambadusa:May,21,2014(SDAN/QJ)-Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sidii caadadu ahayd133 caruur ah kamid ahaa 500 oo muhaajiriin African ah Ka Badbaadiyey Dooni ay saarnaayeen Badda Medittaniean Ka Badbaadiyey Halis Nololeed oo ay ku jireen.
Saraakiisha ciidamada badda dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in hawada oo aad u xumeyd ay ku adkaatay in dadka ay dhaqso badbaadiyeen, kuwaasi oo la aamisan yahay inay ka dhaqaaqeen dalka Libya.
Kooxda muhaajiriinta oo ay ku jiraan 64 haween ah ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee gaadha dalkaasi oo kamid noqonaya 36.000 oo ruux oo sanadkaan oo kaliya gaadhay xeebaha Talyaaniga.
Tahriibayaal badan oo ka kala taga dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Syria ayaa isku daya mar walba inay ka dhaqaaqaan dalkooda oo ay gaadhaan dalka Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan dalalka kale ee qaarada Yurub.
Sanad kastaa, boqolaal tahriibayaal ah ayaa ka gudba biyaha badda Mediterranean iyagoo doona inay helaan nolol dhaanta tan ay ku heystaan dalkooda, waxaana sanadkii hore bishii October ku dhawaad 400 oo muhaajiriin ay dooni kula quustay biyaha xeebaha Talyaaniga.
Dowlada Talyaaniga ayaa ka dalbatay midowga Yurub inay hishiis ka gaadhaan qaxootiga badan ee gaadhaya dalkaasi, iyadoo ku hanjabtay inay ku fasixi doonaan inay usii gudbaan Yurub inteeda kale.
Tahriibayaasha ayaa haatan il gaar ah ku eegaya dhawaaqa talyaaniga ka soo Baxay, waxana laga yaabaa in Haddii uu talyaanigu qaato tallaabo uu faraha kaga daynayo tahriibayaasha, in dhammaan waddamada Afrikanku ay mar qudha dhaqaaqaan.
SDN/QJ