Ciidamada Badda Iran oo guulo ka sheegtay Howlgalka Ladagaalanka Burcad badeeda Soomaalida
Tehran March 19 2013 (SDN)—Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa shaaca ka qaaday in ay guul ka gaartay howlgalka ay kula dagaalanto Burcad badeeda Soomaalida ee ay kawado xeebaha Soomaaliya.
Rear Admiral Habibollah Seyyari, Taliyaha Ciidamadad Badda ee Dalka Iran ayaa shaaciyay inay Ciidankiisa ku guuleysteen inay yareeyaan weeraradii Burcad-badeeda ay ka fulin jireen Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed sida uu hadlka u dhigay.
Isagoo la hadlayay Wakaaladda Wararka Fars News Agency ayaa waxa uu sheegay in hoos u dhaca Burca badeeda ay u daliisahanayaan in Lixidii Bilood ee ugu danbeysay aysan arag wax burcad badeed ah oo qatar ku ah Amaanka Maraakiibta Caalamka ee halkaasi mara.
Taliyaha Ciidamada Badda Iran ee howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamadooda ay ka howlgalaan Badweynta India, Gacanka Cadmeed iyo Baab Al-Mandab, waxaana uu intaasi ku daray in 130-jeer ay iska hor yimaadeen Burcad badeeda Soomaalida.
Ciidamada Badda Iran ayaa ku soo biiray howlgalka Ladagaalanka Burcad badeeda ee Xeebaha Soomaaliya sanadkii 2008dii waxaana howlgalkasi ka qeybqadanaya markiib badan oo wadamo kala duwan ka soconaya.
SDN-Tehran