|

Ciidamada Badda e dalka Holland oo Burcad badeeda Soomaalida Beriga ka Ugaadhsan doona

Brussels May 02,2012(SDN)-Ciidamad abadda ee dalka Holland ee qeybta ka ah hawlgalada reer Yurub ka wadaan xeebaha Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya sidii ay xeebaha ugu weerari lahaayeen Burcad badeeda Soomaalida.

Midawga Yurub ayaa dhawaan fasaxay in ciidamadoodu ay beriga kula dagaalamaan.

Hans Lodder oo ah Taliye markab nooca dagaalka ah oo sanadii 2008dii hawlgalo ka fuliyay xeebaha Soomaalida ayaa sheegay in xiligaa ay u muuqatay in ay fufudaan leheyd in xeebaha ay kula dagaalamaan burcada.

Rem Korteweg oo ah nin ku xeeldheere ayaa qaba in tilaabadani aaney muuqan sida ay wax tar u yeelan karto,ciidan ahaan buu yidhi waa macquul in xeebaha lagula dagaalamo Burcada,balse hadii burcadu beriga bada ka fog u guuran maxaa dhici doona?ayuu is weydiiyay xeel-dheeruhu.

Sidoo kale Rem waxa uu ka digay in ay talaabada xeebaha lagula dagaalamayo Burcada ay horseedi karto faro gelin ciidan oo reer galbeedku ku saeeyaan Soomaaliya.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa sanadkan weeraradoodu hoos u dhac weyni ku yimi ka dib kolkii shirkadaha maraakiibtu ay kireysteen ilaalo gaadh ka haya dhamaan maraakiibtooda.

SDN-Brussels

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed